Dagaalamayaal lala xiriirnayo Alshabaab oo Nabadoon iyo Gaari qaad waday ka soo qafaashay W/bari Kenya.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Standard ee ka so obaxa magaalladda Nairobi, Dagaalyahanno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab ayaa waxay saakayto weerar ku qaadeen Deegaanka Carabiya ee duleedka Mandhera, halkaasi oo ay ka soo kaxeysteen Gaari waday Qaad iyo Nin Caaqil ka ah Deegaankaasi.

Weerarkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee maanta oo Khamiis ah, ayaa la sheegay inay Ciiddanka Ammaanka Kenya baadi-goobayaan Kooxda geysatay afduubkaasi.

Saraakiisha Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska The Standard inay kooxaha dagaalka soo qaaday u muuqdeen kuwo si fiican u yaqaana Deegaanka iyo Caaqilka ay afduubteen.

Caaqilka oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Degmadda Mandheera, markii uu weerarkaasi dhacayey.

Hawlgalka ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyeen duleedka Mandheera ayaa ah kii ugu dambeeyey ee ka dhaca Deegaankaasi, oo ay Boliska hawlgal ka wadeen labadii maalmood ee la soo dhaafay Deegaanadaasi

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor