Dagaalamayaal Al Shabab ka tirsan oo lagu arkay Janaale

Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al Shabab ay dadka deegaanka ku arken gudaha Magaalada shalay gelinkii dambe.

Warbaahinta ku hadasha afka Al Shabab ayaa sheegtay in Xarakada Al Shabab ay shalay dib u qabsaden Janaale oo isla shalay ay gudaha u galeen Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya iyo Howlgalka AMISOM ayaa iyagana sheegay in weli gacanta ay ku hayan degmada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor