Dagaalada Ciraaq,Yemen iyo Siiriya oo sameynaya xoolaha laga dhoofiya Soomaaliya

Colaadaha iyo dagaalada ka jira dalalka Ciraaq,Yemen iyo Siiriya ayaa sameyn xoogan ku yeeshay xoolaha laga dhoofin jiray Soomaaliya ee loo iib-geyn jiray wadama khaliijka ama kuwa bariga dhexe.

Warbixin uu Telefishinka Aljazeera ka diyaariyay sameynta ay colaadaha Yemen,Siiriya iyo Ciraaq ku yeeshen suuqayada xoolaha ee Soomaaliya ayaa muujineysa in imminka xoolaha kaliya loo iibkeeno suuqayada gudaha gaar ahaan Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka ka shaqeeya dhoofinta xoolaha ayaa Telefishinka u sheegay in kumanaan Geela ah ay imminka joogan suuqyada Muqdisho halkii loo dhoofin lahaa Yemen ama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Wariyaha Warbixinta diyaariyay waxa uu sheegay in dad badan ay isbuuciiba 3 jeer u iibkeeni jiren Geela magaalada Muqdisho balse taas ay imminka isbedeshay.

Xuseen Muuse oo ah nin Ganacsade ah waxa uu sheegay in Geela aan weli loo dhoofin sidii hore sababo la xiriira colaadaha Yemen,Siiriya iyo Ciraaq.

Qaar kamid ah kuwa keena Geela ee iibiya waxay Aljazeera u sheegen iney Geela sii heysan doonan ilaa iyo colaadaha dalalkasi ay ka joogsanayan si ay qiimo fiican ugu iibsadan.

Marka loo eego warbixinta Hey’adda Cunada iyo Beeraha ee QM FAO Soomaaliya waxay dalalka gacanka carbeed u dhoofisay 5 Milyan oo xoolaha nool ah,80 kun oo kamid ah waxay ahaayen Geela sida ku cad warbixintooda 2014kii.

Bale Sanadkan kaliya 2 kun oo Geela ah ayaa ka baxay dekada magaalada Muqdisho,waxaana hore u jiray maraakiib Geela u waday Yemen oo dib loo soo celiyay sababo la xiriira dagaalada halkasi ka socda.

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor