Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab oo hadda ka socda Gobolka Sh/hoose.

Wararka naga soo gaarayo deeganada Kabtanaas iyo Buufoow iyo kuwa kale oo ka kala tirsan Degmada Janaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in deeganaadaa ay ku dagaalamaayan Ciidamada dowlada iyo Kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa goor dhow qarxay waxaana la sheegay in deeganaada oo ay ku suganaayeen Alshabaab weerar ay ku qaadeen Ciidamada Dowlada iyo Amisom.

Wariyaha Radio Dalsan ee Sh/hoose Maxamed Xuseen Cismaan Ma’da ayaa qadka Telefoonka kula xiriiray Taliyaha horgaaminaya Howlgalka ciidamada dowlada ay ka wadaan deeganada uu dagaalku ka socdo.

Taliyaha oo magaciisa kusoo koobay  Daahir ayaa sheegay in iyagu ay weerarka qaadeen dagaalkana uu hadda ka socdo Deeganadaasi,oo ay gacanta ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab.

Halkan ka dhageyo Wararka la xiriira Dagaalka Maxamed Xuseen Ma’da:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media