Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa Al Shabab ayaa barqanimadii Maanta waxa uu ka dhacay Deegaanka Tabakarale oo qayaastii 20KM u jirta Degmada Garacad Ee Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa bilawday kadib markii Ciidamada Puntland ay weeraren Goob ay isku uruursanayen Koox ka tirsan Al Shabab oo halkasi laga soo sheegay.
Puntland ayaa beryahan waday Howlgalo culus oo ka dhan Al Shabab iyaga oo dagaal xoogan kula galay kooxdasi deegaanka Suuj Ee Gobolka Nugaal.
Halkan hoos ka dhageyso Warbixinta:-