Dagaal xoogan oo ka qarxay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

Wararka aynu ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay uu dagaal markale ka qarxay magaalada.

Xaafada Howl-Wadaag ayay wararka sheegayan in laga maqlayo rasaas goos goos ah iyada oo ay dadkii deegaanka ay barakacen.

Shalay ayay ahayd markii laba maleeshiyo beeled ay ku dagaalamen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha dowlada Soomaaliya ayaa sheegaya in labada dhinac awood lagu kala qaadi doono haddii waan waanta ay diidan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor