Dagaal weli ka socda deegaano u dhow Magaalada Dhuusa-Mareeb

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in haatan uu dagaal ka socdo deegaano u dhow degmada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda 21,aad, iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Dagaalka ayaa intiisa badan waxa uu ka socdaa deegaanka Miriq oo u dhaxeeya deegaanka Mareer Guur iyo Xarunta Gobolka Galgaduud ee Dhuusa-Mareeb.

Wariye ku sugan Magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyay in dagaalku uu yahay mid leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana in Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay kaabiga ku hayaan Magaalada dhuusa-Mareeb oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com 

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media