Dagaal saf balaarana oo ka socda deegaano badan oo Sh/Dhexe ah

Wararka ka imaanaya deegaanka Qurax Madoobe e G/Dhxe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda la wareegeen dagaal kadib deegaanka hadana uu dagaal kale ka qarxay deegaanka Cali Fooldheere oo isla degaanka ah .

 

Deegaanada oo ka tirsan degmada Mahadaay waxa ku dagaalamaya ciidamada iyo Amisom oo dhinac ah iyo Shabab .

 

Dadka deegaanka yio wariyaheena jowhar ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yahay kii ugu cuslaa oo halkaas ka dhaca , waxaana la maqlayaaa hubka waaweyn oo ay taangiyo ku jiraan.

 

Alshabab ayaa deegaanadaas maamulayey 8 sano ee u dambeysay.