Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo Xeraale ka socda

Wararka ka imaanaya Degaanka Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxa ay sheegayaan in halkaas uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ahlusunna iyo Ciidamo degaanka ah.

Dagaalka oo bilowday duhurnimadii ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, dadka dhintay ayaa ilaa iyo hadda lagu sheegay 4 qof oo labada dhinac ee dagaalamay ah dhaawacana toban ayuu ku dhawyahay.

Ciidamo Xoogan oo Ahlusunna ka tirsan ayaa dhawaan tagay xeraale taas oo dhalisay in cabsi badan ay soo food saarto dadka kunool ugu dambeyna maanta ayuu dagaalkan ka bilowday.

Ma jirto labada dhinac cid ka hadashay u jeedka dagaalkan ay ka leedahay laakiin waxaa jira qax ay bilaabeen dadka Xeraale ku nool.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media