Dagaal markale ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

Waxaa mar kale maanta deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellaha hoose toolooyin hoostaga ku dagaalamayaa sida aan wararka ku heleyno ciidanka dowlada iyo al-Shabaab .

Dagaalka ayaa daba socda kii xalay ka dhacay deegaanadaas oo Al-Shabaab la sheegay in ay ku gubeen in kabadan 10 tuulo oo hoostaga deegaanka lambar 50

Dagaalka ayaa leysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan waxana inoo suura galin xiriir aan la sameynay saraakiisha ciidamada oo aan ka jawaabin taleefanadeena.

Waxana wararka ay sheegayaan in ay jiraan qasaaro labada dhinac iyo dadka deegaanka soogaaray wallow aana la heyn tiro rasmi ah madaama wili dagaalka uu yahay mid socda

Saraakiisha ciidamada ee hogaaminaya ciidanka dowlada ayaa sheegay in ay war-baahinta la hadli doonaan faafaahin dheeri ahna ka bixin doonaan dagaalka ay la galeen al shabaab

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media