Dagaal khasaaro geystay oo Ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray Muqdisho

Fiidnimadii Caawa ayaa waxaa dagal khasaaro geystay uu Xaafada Isgoyska Ex Koontorool Afgooye ku dhex maray Ciidmo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa dadka deegaanka waxa ay ku sheegeen in uu yimid kadib markii ay isku qabsadeen dhul halkaasi ku yaalo tas oo keentay in ay wada dagaalamaan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale Dalsan u sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen laba ruux uu mid ka mid ah yahay Darawal Bajaajle ay ku geeriyoodeen halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Xaalada Goobtii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan,waxana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay cabsi soo wajahday.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ku soo soo noq noqday dagaalada dhexmara Ciidamada ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaliya ilaa iyo haddana majirto cid wax ka qabatay.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media