Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wararka naga soo garaya Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deeganka Ceel wareegoow ee Gobolkaas ayaa waxa ay sheegayan in Kolonyo ay la socden Ciidamada Amisom Wadada loo galay xili ay marayeen deegaankaas.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Daqiiqado kooban uu deegaanka Ceel Wareegoow uu dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa Amisom.

Ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas kooban,balse War qoraal ah oo ay Baraha Internet-ka soo dhigeen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in ay weerarkaas ku dileen laba Askari halka lba kalena ay ku dhaawaceen.

Weli saraakiisha dhanka Ciidamada Amisom kama hadlin dgaalkas kooban ee ka dhacay deegaanka Ceel Wareegoow ee Gobolka Shabeellaha Hoose

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media