Dagaal khasaare dhaliyay oo Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhexmarey Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolkaasi,kaasi oo u dhexeeyay Alshabaab iyo dadka deegaanka.

Sida ay Wakaaladda SONNA u xaqiijiyeen goobjoogayaal deegaanka ah,ilaa 2 qof oo dad xoola dhaqato ah ayaa ku geeriyootay halka Alshabaabna uu so gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dib markii dagaal muddo kooban socday uu ku dhexmarey Alshabaab iyo dad shacab ah tuulooyin hoostaga deegaanka lagu magacaabo Buqa-qable.

Wariyayaasha ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay in isku dhacaasi uu ka dambeeyey kadib markii dadka reer mi’yiga ah ay ka biyo diideen codsi uga yimid Alshabaab ee ahaa in ay bixiyaan xoolo iyo dhalinyaro ay si qasab ah ku dagaal geliyaan.

Deegaanka Buqa-qable ayaa khayaas ahaantii wuxuu 90 KM dhanka Galbeed kaga beeganyahay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Alshabaab iyo dadka deegaanka ayaa dhawaan dagaal khasaare dhaliyay ku dhexmarey deegaanno dhanka Galbeed kaga began magaalada Baladweyne kadib markii ay gubeen gaadiid ku rarnayd badeeco ganacsi,taasi oo ay dadka ka soo horjeesteen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media