Dagaal ka socda weli hotelkii la weeraray ee Posh Treats iyo khasaaro ka dhashay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii  caawa lagu qaaday hotelka Posh Treats oo ku yaala degmada Hodan gaar ahaan  meel ku dhow Isgoyska Banaadir .

Marka hore Hotelka ayaa waxaa Nin naftii hure ah uu ku weeraray gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxana intaas ka dib xigay rag hubeysan oo gudaha u galay Hotelka,iyadoona xiligaas wixii ka dambeeyay ay goobta tageen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku waas oo weli dagaal kula jira kooxdii weerartay hotelka.

In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in weerarkaas ay ku geeriyootay halka dhaawacu uu intaas ka badan yahay,waxana iminka la maqlayaa rasaas ka dhaceysa Gudaha Hotelka oo dadka qaarkood ay ku sheegeen in u dagaal socdo waxana jira in sidoo kale uu saameeyay Pizza House.

Dadka dhintay waxaa ku jira Nin u dhashay dalka Siiriya,kaas oo la sheegay in uu ka mid ahaa Shaqaalaha hotelka,waxana sidoo kale jira Shaqaalo kale oo Itoobiyaan u badan oo ay waxyeelo soo gaartay waxaana adag in la ogaado xogta rasmiga ah maadaama ay tahay xili habeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee hada na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku howlan yihiin sidii ay u afjari la haayeen weerarkaas waxana Wararka qar ay sheegayaan in weli kooxdii weerartay hotelka ay qaarkood Gudaha ku jiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media