Dagaal iyo Dadaal Nabadeed oo ka dhex socda Gaalkacayo.

Maleeshiyooyinka Puntland iyo kuwa Galmudug ee isku hor fadhiyey magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo ayaa lagu soo waaramayaa inuu saakayto dagaal ka dhex qarxay.

Maleeshiyadda Puntland ayaa la sheegay inay soo qaadeen dagaal ay ku doonayeen inay fariisimo kaga samaystaan Suuqa Darxumo oo ku yaalla meesha kala qeybisa Galakacayo.

Dadka deggan Gaalkacayo ayaa soo sheegay inay maqlayaan hugunka rasaasta ka dhacda qoryaha Fudud iyo Teknikadda.

Dhowr qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen rasaasta, iyadoo dadkaasi ku sugnaayeen guryahooda ku yaalla Labada dhinac ee ay Puntland iyo Galmudug kala maamulaan.

Barakac cusub ayaana ka bilowday Gaalkacayo, kadib, markii ay qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka sheegeen in lagu guul-daraystay Wada-xaajoodkii Nabadda ee u socday labada dhinac.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa ku hawlan Nabadeynta, iyadoo Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland mabda’ ahaan ka oggolaadeen codsigiisa Xabbad-joojinta, balse ay saakayto mar kale xabbadu ka bilaabantay Gaalkacayo.

© Radio Dalsan 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor