Dagaal Culus oo Xalay Ka dhacay Duleedka Buurhakaba

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Al Shabab iyo kuwa Itoobiya ayaa Xalay ka dhacay Duleedka Degmadda Buurhakaba Ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii Kooxda Al Shabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo ciidamadda AMISOM ah gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Khasaaro badan ayaa la soo warinayaa in Dagaalkasi uu ka dhashay Waxana Wararka qaar ay sheegayaan in Gawaari dagaal looga gubay Ciidamadda Itoobiya.

Gudoomiyaha Buurhakaba oo la hadlay Dalsan waxa uu ka gaabsaday inuu faah faahin badan ka bixiyo Dagaalka balse waxa uu shaaciyay inuu khasaaro jiri karo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor