Dagaal Culus oo Xalay iyo Saakay ka dhacay Magaalada Caabudwaaq

Dagaal xoogan ayaa Xalay iyo Saakay ku dhexmaray Magaaladda Caabudwaaq Ee Gobolka Galguduud Ciidamo taabacsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa ka amar qaata Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa ka dhacay Saldhiga Caabudwaaq oo ah halka la isku qabsaday oo lagu murmay cid maamuleysa midkood Ahlu Sunna ama Maamulka Galmudug.

Xaaladda ayaa imminka degan waxana jira dad badan oo waxyeelo ay ka soo gaartay Dagaalkii xalay iyo Saakay ka dhacay Magaaladda Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor