Dagaal Culus oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo

Dagaalka ayaa yimid kdib markii Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland ay weerar ku qaadeen gelinkii dambe ee Maanta oo talaado ah deegaanka Aricse e duleedka degmada Balad Xaawo ee Gobolk gedo.

Weerarka Ciidamada Jubbaland kadib ayaa waxaa halkaasi ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay labada dhinac,kaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray labada dhinac.

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Jubbaland eek u sugan gobolka Gedo ayaa Dalsan u sheegay in weerar ay iyagu qaaden isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in in ay la wareegeen deegaanka Aricase oo ay mudo maaluyay deegaankaas, in kastoo warar arrintaasi xaqiijinya aan la helin.

Dhawaan ayaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerareen degmada Balad Xaawo iyada oo mudo Saacado ah heestay..

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media