Dagaal Beeleed Khasaaro geestay ka socda Gobolka Mudug

Wararkaa aan Maanta ka heleyno qeybo ka mid ah Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ilaa xalay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba Maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Docole Ooman Ee Bariga Gobalka Mudug,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah waxgaradka Gobolka Mudug ayaa Radio Dalsan u sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyo laba Maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xaalada Deegaanka Docole Ooman Ee Bariga Gobalka Mudug, ayaa saakay ah mid kacsan waxaana laga dareemayaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed.

Puntland ayaa Maalin ka hor ku eedeysay Maamulka Galmudug in uu jebiyay heshiiskii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo wallow Maamulka Galmudug dhankooda ay beeniyeen.

Shalay ayaa waxaa 3-Ruux si aanooyin qabiil ah loogu dilay qeybo ka mid ah Gobolka Mudug taas oo xiisada sii xoojisay

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media