Sawiro:Dadkii ka dambeeyay dilka Wasiir Siraaji oo Maxkamad la soo taagay

Maxkamada ciidammada qalabka sida ayaa saaka u fariisatay markii ugu horeysay dacwad ciqaab ah oo loo haystay 2 nin oo lagu eedeeyay inay dileen Wasiirkii howlaha guud ee xukuummada Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Labada askari ee maanta lasoo taagay Maxkamada ciidanka Qalanka sida oo kamid ahaa ilaalada Hanti Dhowrihii Qaranka Dr Nuur Faarax ayaa lagu kala magacaabaa Dable Xooga Axmed Cabdulaahi Cabdi Ceydiid iyo Sadex Alifle Ciidanka Asluunta katirsan Cusmaan Salaad Barre.

Cabaas Siraaji oo ahaa wasiir da’yar ayaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media