Dadka reer Chad oo maanta dooranayo Madaxweyne cusub.

Ku-dhawaad 6 million oo qof ayaa maanta u soo baxay goobaha Codbixintaasi, si ay u doortaan Madaxweyne, waxaana la hadal hayaa inuu mar 5-aad xilkaasi ku guuleysto Madaxweyne Idris Debbi oo dalka soo xukumayey muddo 26 sanno.

Madaxweynaha oo 63-jir ah waxaa la tartamayso ilaa 12 Musharax, kuwaasi oo aan la filaynin inay ku guuleystaan Doorashadaasi.

Dadka Reer Jaad oo lagu qiyaaso 13 million oo qof waxay ku nool yihiin heerka ugu hooseeysa saboolnimadda, kamana macaashaan shidaalka laga soo saaro dalkaasi ee loo iib geeyo Dibedda.

Sidoo kale, Qabiilka Madaxweyne Idris Debbi ee lagu magacaabo Zagahawa waxay xilal sare ka hayaan Dowladda iyo Taliska Ciiddamadda ee dalkaasi, taasi oo ay dadka ku nool dalkaasi aad uga caraysan yihiin.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor