Dadka Maraykanka oo looga digay in ay booqdaan Kenya iyo weeraro la filan karo.

TRAVEL GOVWaaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa maanta soo saartay Digniin ku aadan Khatarta dhinaca Safarka ee dalka Kenya, iyadoo Muwaadiniinta Maraylanka looga digay inay booqasho ku tagaan dalkaasi.

War-qoraal ah oo la soo dhigay Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Maraykanka garwaaqsadaan Khatarta cabsida ee Alshabaab iyo kororka Dembiyadda ka dhacayo qeybo ka mid ah dalka Kenya.

Dowladda Maraykanka waxay weli helaysaa Warbixino loo-qaateen ah oo ku aadan Weeraro Argagixiso oo ka dhan ah Danaha Maraykanka iyo kuwa Reer Galbeedka ku leeyihiin Kenya.

Qoraalka waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay inay Khatarahaasi ka dhici karaan Nawaaxiga magaalladda Nairobi, Gobalka Xeebta iyo Gobalka W/bari Kenya.

Digniinta maanta ka soo baxday Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa kaloo lagu sheegay inay dhici karaan Falal Argagixiso oo ay ku jiraan Hawlgallo Is-qarxin iyo qaraxyo loo adeegsanayo gawaari, Afduub, Weerar lagu qaado Waaxda Duullimaadka Rayidka Kenya iyo Maraakiibta taagan Dekeddaha Kenya iyo kuwa maraya Badda Kenya.

Dhinaca kale, Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Kenya waxaa lagula taliyey inay Taxadaraan, isla markaana aysan tegin goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, sida Hoteelladda, Goobaha habeenkii lagu caweeyo, Xarumaha Dukaamaysiga, Boosteejooyinka Basaska iyo goobaha Cibaadaysiga.

Digniintan ayaa soo baxday hal maalin kadib, markii ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka sheegtay inay 27-million oo Dollar dul-dhigeen 6 Hoggaamiye oo ka tirsan Taliska Sare ee Xarakadda Alshabaab.

Waxaana Madaxda lacagta la dul dhigay ka mid ah Hoggaamiyaha Alshabaab, Abu Cubaydah, Mahad Karataay, Macallim Salmaan iyo Axmed Iimaan Cali.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor