Dadka deggan Dhadhaab oo dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan Hay’adda WFP

Boqolaal ka tirsan dadka deggan Degaanka Dhadhaab ayaa shalay dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan Hay’adda WFP, oo shaqada ka ruqseysay 13 shaqaala ka tirsan kuwa Deegaanka.

Dibadbaxayaasha waxay socod ku soo mareen Degmadda Dhadhaab, ka hor intaysan ku soo ururin Xarunta Dhexe ee Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ku leedahay Degmadda Dhadhaab.

Dibadbaxayaasha waxay carqaladeeyeen Hawlihii caadiga ee Xeradda Qaxootiga Dhadhaab, waxayna u diideen gaadiidka inay galaan  deegaankaasi oo ay ku yaallaan Xafiisyadda Hay’adda WFP.

Dibadbaxayaasha ayaa u sheegay Suxufiyiinta inay ka cabanayaan Hay’adda WFP oo ay sheegeen inay shaqada ka cayriyeen shaqaalaha Deegaanka Dhadhaaba, kuna bedeleen kuwo laga keenay Goballadda kale ee Kenya.

Dibadbaxayaasha waxay ugu baaqeen Dowladda Kenya inay soo farageliyaan arrinta, si aysan dhibaatadda isugu bedelin dagaal beeledyo.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor