Dadka deegaanka Buula Gaduud oo dareemaya Xaalada Amni darro

Ila Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Dalsan u sheegay in shacabka ku nool deegaanka Buula Gaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose ay dareemayan xaalad amni darro,kadib markii shalay ay halkasi isaga Baxeen Ciidamada Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya iney ka cabsi qaban in Dagaal uu halkaasi ku dhexmaro Ciidamada Al Shabab oo ku dhaw Deegaanka iyo kuwa AMISOM oo laga yaabo iney Buula Gaduud dib ugu soo laabtan.

Ciidamada kenya ayaa muddo isbuuc ah waxa ay isaga baxeen Seddex Magaalo oo ay ku jiraan Ceel Cade iyo Badhaadhe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor