Dad Soomaali oo lagala laabtay Dhalashadda Maraykanka, lana soo masaafurin doono

Waaxda Caddaaladda ee dalka Mraaykanka waxay shalay ku dhawaqday in 4 Somali ku nool Gobalka Minnesita lagala laabanayo Muwaadinimadda Maraykanka (The US

Citizenship), kadib, markii ay ka been sheegeen Codsiyadooda Fiisaha ay ku soo galeen Maraykanka.

Afartaasi qof waxay Maraykanka ku soo galeen Barnaamijka Fiisaha Bakhti-ya-nasiibka (lottery visa program ) ee uu  Madaxweyne Trump sheegay  in la joojin doono Nidaamkaasi, kadib, Weerarkii dhawaan ka dhacay magaalladda New York.

Dadka la sheegay in lagala laabanayo Muwaadinimadda Maraykanka waxaa ka mid ah  Fowsiya Cabdi Aadan oo 52-jir, taasi oo la sheegay inay Maraykanka ku soo gashay Barnaamijka Fisiaha Bakhti-ya-nasiibka sannadkii 2001-dii.

Maxkamadda Federalka ee Gobalka Minnesota ayaa shalay ku eedeysay Fowsiya Cabdi Aadan inay Maraykanka soo gelisay Nin ay ku sheegtay inuu Saygeeda yahay iyo 3 carruur oo aysan u dhalin ninkaasi..

Hadal ka soo baxay Maxkamadda Minnesota ayaa lagu sheegay inay dhamaan afarta qof ee ay soo gelisay isticmaaleen magacyo been ah oo ay ugu dambeyntii ku noqdeen Muwaadiniin Maraykanka (American citizens).

Magacyadda Afartaasi qof ayaa lagu kala sheegay Axmed Maxamed Warsame oo 54 jir, kaasi oo la sheegay inuu yahay Ninka ay Fowsiya Cabdi Aadan inuu Saygeeda yahay ee  ay Maraykanka soo gelisay.

Waxaa kaloo ay Maraykanka soo gelisay 3 carruur oo ay Fowsiya Cabdi Aadan hory u sheegtay inay yihiin carruurta ay u dhashay Axmed Maxamed Warsame kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay  Mustaf Cabdi Aadan oo 33-jir ah, deggan magaalladda Minneapolis, Faysal Jaamac Mire oo  31-jir ah degan Aagga Minneapolis.

Dhinaca kale, Maxkamadda Gobalka Minnesota ayaa ogaatay in Axmed Maxamed Warsame  inay kala tageen Fowsiya Cabdi Aadan sannadkii 2002-dii, wuxuuna Muwaadinimadda Maraykanka helay sannadkii 2006-dii, isagoo xilligaasi codsaday inuu doonayo inuu keensado Xaaskiisa Runta ah oo magaceeda lagu sheegay Yurub Jaamac Hiirad oo u dhalatay Yemen, taasi oo ay is-guursadeen sannadkii 1986-kii iyo 4 carruur oo ay u dhashay muddadii u dhexeysay 2001-dii ilaa 2007-dii.

Baraitaan dhinaca Hiddo-sidaha DNA oo ay qaaday Safaaradda Maraykanka ku leeyahay dalka Yemen sannadkii 2010-kii waxay xaqiijiyeen inuu Axmed Maxamed Warsame  wada dhalay afarta carruur.

Balse, Safaaradda waxay sannadihii 2013-kii iyo 2014-kii ku gacan sayrtay odsigiisa ahaa in Xaaskiisa iyo carruurtiisa loo oggolaado inay u soo dhoofaan  Maraykanka

Dhinaca kale, Wareysiyo kala duwan oo ay Wakiilo ka socda Hay’adaha Ammaanka Maraykanka  la yeesheen Fowsiya Cabdi Aadan waxay sheegtay inay Axmed Maxamed Warsame is-qabeen tan iyo sannadkii 1996-dii, halka Wareysi kale uu isagana ku sheegay inuusan marnaba guursanin iyada, balse uu u adeegsaday Dukumentigaasi si uu ku soo galo Maraykanka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media