Dad loo xirxiray ka Ganacsiga Diinka

Illaa 9 qof ayaa lagu xiray magaalada Hargaysa kadib markii lagu tuhmay in ay ugaarsanayeen, islamarkaasna ka ganacsanayeen xayawaanka diinka.

Diinka oo aanan ahayn Xayawaan dadka Cagahiisa kaga baxsankara maadaama Socodkiisa uu yaryahay ayaa dhawaanahan waxaa lagu hayay ugaarsi ba’an kadib markii sida la sheegay loo heley suuq.

Wasiirka deegaanka ee jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay soo badbaadiyeen 6 diin ah oo qaarkood aad u culusyihiin, kuwaas oo hadda lagu xanaanaynayo gudaha wasaaradda.

Somaliland ayaa horey u mamnuucday ka ganacsiga diinka iyo ugaarsigiisaba.

Wasiirka ayaa laga soo xigtay isaga oo leh “Markasta oo uu weynyahay diinka, waa markasta oo sii qiimo badanyahay, waxaan fahamsanahay in ay adduunkan jiraan dad cuna diinka, ragaha iyo masaska”.

Diinka ayaa waxa uu ka mid yahay xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.

BBC

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media