Dad ku geeriyooday Qarax ka dhashay shidaal la boobayey

13 qof oo Kenyan ah ayaa la xaqiijiyey inay maanta ku geeriyoodeen qarax ka dhashay  shidaal ay ka dhuranayeen Gaari Booyadle oo shil darteeda ugu qalibmay Deegaanka Malanga ee u dhexeeya Wadadda isku xirta Degmooyinka Kisumu iyo Busia.

Shilkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay 11 qof oo ay carruur ku jireen, kuwaasi oo uu soo gaaray dhaawaacyo gubasho daran ah.

Sarkaal u hadlay Boliska ayaa sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto oo Axad ah ay fool-ka-fool isugu dhaceen Gaari Booyadle Shidaal iyo Gaari kale oo Caano waday.

Gaariga Booyadlaha ee shidaalka waday waxa uu ku sii jeeday Degmadda Busiya, halka Gaariga Tareelka ee Caanaha waday wka yimid Degmadda Busiya, wuxuuna ku wajahnaa Degmadda Kisumu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor