Dad ku geeriyooday duqeyn ka dhacday Tuullooyin ay Alshabaab kaga sugan yihiin duleedka Buulo-burte.

Diyaarado Dagaal oo aan la aqoonin dalka laga leeyahay ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay  duqeeyeen 3 tuullo oo ku yaalla Galbeedka magaalladda Buulo-burte ee Gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha Degmadaasi, C/casiis Duurow ayaa xaqiijiyey inay duqeymahaasi ka dhaceen Tuullooyin ay ka mid yihiin Qoob-yaxaas iyo Raaso ee duleedka Buulo-burte.

Waxa uu sheegay in duqeymahaasi lagu dilay ilaa 10-qof oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen xubno ka tirsan Alshabaab, inkastoo ay warar madax bannaan sheegeen in duqeymahaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid oo ku noolaa Tuullooyinkaasi.

Dhinaca kale, Alshabaabka ku sugan Tuullooyinkaasi weli kama hadlin khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor