Dad ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Liibiya

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay, qaar kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay sarnayeen muhaajiriin ay ku degtay magaalo xebeedka Zuwara ee dalka Liibiya. Saraakiisha laamaha ammaanka ee halkaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in dadki ay doonayeen inay garaan dalka Talyaaniga. Waxaana wali socda baadi goob loogu jiro dadka la la’yahay.

Inta Badan maydadka laga helay magaala xebeedka Al zuwara ee dalka Liibiya ayaa waxaa la sheegay inay ka soo jeedaan Pakistan.

War qoraal ah oo madaxa ammaanka ee magaaladaasi uu ku daabacay barta Facebook-ga ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay kamid tahay haweney u dhalatay dalkaasi Liibiya.

Saddex qof oo kale ayaa ka badbaaday doonta rogmatay, waxaana labo kamid ah dadkaasi ay ahayeen muwaadin kale oo u dhashay isla dalka Liibiya, balse ilaa iyo hadda ma cadda xiliga ay doontani ka amba baxday dalkaasi Liibiya, balse saraakiishu waxaa ay sheegayan in sababata doontani ay u quustay ay tahay inay buux dhaaftay.

Waa arrin dhif iyo nadir in shacabka reer Liibiya ay isku dayaan inay ka tallabaan badda mediterean-ka si ay u gallan Yurub, waana arrin ugub ku ah indhaha caalamka in la arko muwaadiniin Liibiya oo ka tallaabaya badda. Dalka Liibiya ayaa in muddo ah kujiray qalalaaso siyaasadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media