Dad ku dhintay dab ka kacay Portugal

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, tobanaanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka dib markii uu qarax ka dhashay dab ka shidnaa xarun bulsho oo ku taalla waqooyiga Portugal.

Dabka ka kacay Vila Nova da Rainha ayaa billowday markii qalab biyaha kululeeya oo dhismaha ku jiray uu qarxay, sida uu sheegay duqa magaalada.

Ilaa 60 qof ayaa xarunta wakhtigaas ku sugnaa, kuwaasoo ku mashquulsanaa cayaar, halka qaarna ay TV daawanayeen.

Dabka waxaa la sheegay inuu qabsaday saqafka sare, ka dibna uu fiday, ayadoo dadku ay anfariireen.

Vila Nova da Rainha waxay u dhowdahay magaalada Tondela, taasoo qiyaastii 260 KM waqooyi bari ka xigta magaalada caasimadda ee Lisbon.

Duqa magaalada Tondela, Jose Antonio Jesus, ayaa u sheegay wargayska Publico in dabku uu sababay xaddi badan oo ah Carbon Monoxide.

Ilaa 35 qof ayey waxyeello ka soo gaartay, kuwaasoo 6 ka mid ah ay liitaan, sida ay warbaahinta maxalliga ku warramayso.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media