Dad ku dhaawacmay Dibadbax ka dhacay Beled-weyne.

Barqanimaddii maanta waxa bartamaha magaalladda Beled-weyne ka dhacay Dibadbaxyo la sheegay in looga soo horjeedo qorshaha Dowladda Federalka ee Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dibadbaxayaasha oo u badnaa Dhallinyaro waxay socod ku soo mareen Xaafadaha Beled-weyne, waxayna xireen Waddooyinka iyo goobaha ganacsiga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Ciiddanka Milliteriga kala eryeen Dibadbaxayaasha, iyadoo xabadihii ay Ciiddanka rideen ku dhawaacmeen 3 qof oo la dhigay Isbitaalka Guud ee Beled-weyne.

Dibaxbaxan ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalintii Labaad kulamo la leeyahay Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan, si la iskula meel dhigo Ka-qeybgalka Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo ay gogoshiisu fidsan tahay magaalladda Jowhar.

Shirarka Madaxweynaha uu maanta la yeeshay Odayaasha Beelaha ayaa la sheegay inaan wax horumar ah laga gaarin, iyadoo ay mid ka mid ah Odayaasha Beelaha isla deggan Hiiraan  ku adkeysteen inuu Madaxweynaha si mideysan ula kulmo Odayaasha Dhaqanka Reer Hiiraan oo uusan ula kulmin Beel-beel, waa sida ay ku hal-qabsadeen.

Odayaasha Dhaqanka ee deggan Galbeedka Beled-weyne ayaa u muuqda kuwo u dhega nuglaaday Codsiga Madaxweyne, balse Odayaasha ka soo jeeda Bariga Beled-weyne ayaa ka goos adeegsan Baaqa Madaxweynaha ee ahaa inay Odayaasha ka qeyb galaan Shirka Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii Labaad ku sugan Beled-weyne ayaa guluf ugu jira sidii Odayaasha Dhaqanka u oggolaan lahaayeen inay ka qeyb galaan Shirka Jowhar ee lagu dhisi doono Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay oo uu Madaxweynaha booqasho hawleed ku tago Beled-weyne, si uu Odayaasha Dhaqanka ugu qanciyo inay ka qeyb galaan Shirka Maamul-u-samaynta oo muddo dhowr bilood u xayiran Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan.isbitaalka bw BW5 bw000 BW6 BW2 BW1 BW02

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor