Dad dhigaayey Dibadbax oo Dil iyo dhaawac loo geystay 

Ururka Bisha Cas ee Falastiin waxay sheegeen inay Askarta Israel toogasho ku dileen Wiil dhallinyaro Reer Falastiin oo qeyb ka ahaa Dibadbaxyo shalay ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulalka la-hysto ee Reer Falastiin.

Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  waxay magaca Wiilka la dilay ku sheegtay Maxamed Tamiimi oo 17-jir ah, kaasi oo ay Ciiddanka Israel ku dileen Tuulladda Nebi Saalax.

Dadka Tuulladda deggan waxay dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Ballaarinta Deegaan u dhow oo la soo dejiyey dad Yuhuud ah.

Dhinaca kale, In ka badan 140 Falastiiniyiin ah ayaa iyagana lagu dhaawacay Tuulada Beyta ee ku taalla Dhulalka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Falstiin. Iska horimaad dadka Tuulladda iyo Askarta Israel dhex maray ayaa lagu dhaawacay in ka badan 140 Falastiini iyo 2 Askari oo Israa’iili ah.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo dadka Yuhuudda ee la dejinayo dhulalka La-haysto ee Falastiin ayaa waxay socdeen atn iyo markii ay Israel qabsatay dhulalka La-haysto ee Falastiin sanadkii 1967-dii.

Ku-dhwaad 475,000 oo La-dejiyayaal Yuhuud ah ayaa waxay haatan ku nool  yihiin dhulalka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Falastiin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor