Dad badan oo ku hoobtay Dab xoog leh oo qabsaday dhul Kaymo ah 

Ugu yaraan 42 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Kaymaha ku gubanaya dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Algeria ee APS aya sheegtay in 25 Askari iyo 17 qof oo Rayid ah ku geeriyoodeen Masiibadaasi, halka ay ugu yaraan 14 Askari ku dhaawacmeen.

Haweeney 92-jir ah oo laga soo badbaadiyey Buuraha Kabayle ee Waqooyiga dalkaasi waxay Khatarta Kaymaha Ololaya barbar dhigtay sidii dhamaadka Adduunka.

Goblka Kabayle oo 100 KM dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Aljeris ayaana ah Ubucda kaymaha ku gubanaya, iyadoo ay adag tahay in la gaaro Tuullooyinka, isla markaana ay Biyaha gabaabsi yihiin Xilligan Kulaylaha.

Dhinaca kale, Idaacadda Dowladda Algeria waxay sheegtay in 4 qof oo lagu tuhunsan yahay ololka Dhulka Kaymaha ayaa lagu qabtay  Degmooyinka Medaa iyo  Canaaba.

In ka badan 70 dhul kaymeed oo ku yaalla Waqooyiga dalkaasi ayaa weli ololaya.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Algeria waxa uu amar ku bixiyey in kuwa lagu helo inay ka dambeeyaan Kaymaha gubanayo lagu ciqaabi doono Xabsi ilaa 30-sano ama Xabsi Daa’im haddii ay dad ku dhintaan kaymaha gubanaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor