Dacwadda loo haysto dhallinyaro  Somali-Maraykan ku biiri lahaa Daacish oo qaadan doonta dhowr isbuuc.

Maxkamadda magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay 3 Dhallinyaro Somali-Maraykan oo qeyb ka ahaa 10 qof oo lala xiriirinayey inay qorsheynayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo C/raxmaan Yaasiin Daa’uud oo 22-jir ah, Maxamed C/xamiid Faraax oo 22-jir ah iyo Guuleed Cali Cumar oo 21-jir ah ayaa la tilmaamay inay qeyb ka yihiin koox ballaaran oo Somali ah oo dhowr jeer Kulan yeeshay muddadii u dhexeysay bishii Maarso ee saannadkii 2014-kii ilaa bishii April ee sannadkii hore, si ay ugu safraan Syria, kuna biiraan Daacish.

Saddexda Eedeysane waxay beeniyeen dhowr Dembi oo lagu soo oogay, inkastoo qofkii lagu hela inuu qorsheynayey inuu dad ku dilo dalalka ka baxsan Maraykanka uu muteysan karo Xabsi Daa’im.

Dhegeysiga Dacwadda shalay ka bilaabantay Maxkamadda Minneapolis ayaa la sheegay inay socon doonto muddo dhowr isbuuc, waxayna Dacwad-oogayaasha Federalka  qorsheynayaan inay u yeeraan in ka badan 24 qof oo Markhaatiyaal oo soo bandhigi doona 340-caddaymo isugu jira codad laga duubay qorshihii Eedeysanayaasha ka wada hadleen, Muuqaalladda Video-ga Kooxda Daacish oo ay Eedeysanayaasha daawan jireen iyo Dukumentiyo kale oo la xiriira Baasaboorada, Xisaab-Lacageedka Bangiyadda iyo kuwo kale.

Labo ka mid ah Markhaatiyayaasha la hor keeni doono Maxkamadda si ay Eedeysanayaasha ugu caddeeyaan Dembiyadda ayaa la shaaciyey magacyadooda, oo lagu kala sheegay C/raxmaan Bashiir iyo C/llaahi Yuusuf oo isagu la qabtay 2 sanno ka hor, xilli uu doonayey inuu u socdaalo dalka Syria.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor