Dacwad lagu soo oogay Muwaadin Soomaaliyeed oo dhowr qof ku dilay Maraykanka

Maxamed Jaamac oo ah Dareewal waday gaari Xamuul oo shil wadareed geystay ayaa la sheegay inuu shalay iskiisa isugu dhiibay Saraakiisha Xabsiga magaalladda MADISON ee Gobalka KOLARAADO.

Maxamed Jamaac ayaa ku eedeysan shil gaadiid badan oo isku dhacay bishii November 21-dii ee sannadkii hore.

Shilkaasi waxaa ku geeriyootay 4 qof, halka 11-kalena ku dhawaacmeen.Maamulayaasha magaalladda Madison ayaa sheegay inuu shilkaasi dhacay, xilli uu Maxamed Jamaac oo waday Cagaf- uu ku guul-daraystay inuu u socdo si tartiib iyo inuu ka istaago Gaadiid ka soo baxayey Deegaan u udhismo ka socday.

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Gobalka Madison, TOM GIBBON ayaa sheegay haddii Maxamed Jaamac lagu helo dhamaan Dembiyadda lagu soo oogay inuu Xabsiga ku dhamaysan doono inta ka harsan Noloshiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media