Dabley hubeysan oo qafaashay shaqaale shisheeye

Dabley Hubeysan ayaa waxay 3 Muwadin oo Shiinees ah iyo 2 u dhalatay dalka Mauritania ka qafaasheen Bartamaha dalka Maali.

Hadal ka soo baxay Millteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay in Shaqaalahaasi shalay laga qafaashay dhismo Waddo oo ay ka wadeen meel 55 KM u jirta Degmadda Kawala.

Dabley waxay kaloo burburiyeen Qalabkii Dhismaha ee Shirkad laga leeyahay dalka Mauritania oo Waddooyinka dhista

Wakaalladda Wararka Mauratania waxay soo werisay in dableyd oo watay Mootooyin ay dab qabadsiiyeen Qalabkii iyo Haan Shidaal uu ka buuxay, ka hor intaysan afduubanin Shaqaalaha u dhashay dalalka Shiinaha iyo Mauritania.

Maleeshiyo taabacsan Kooxda Daacish ayaa ka hawl-gala dalka Maali, iyadoo ay Dowladda halgan ugu jirto sidii looga hortegi lahaa Colaadahaasi oo socday tan iyo sanadkii 2012-kii.

Dagaalamayaasha taabacsan Kooxda Daacish waxay ballaariyeen Hawlgaladda ay ka wadaan dhulka Lama-degaanka ee dalkaasi iyo waddamada kale ee Burkino Faaso iyo Niger.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor