Dabkii ka kacay Suuq Boocle oo khasaaro hantiyeed geystay.

Wararka laga helayo suuq Bocle ee degmada Dharkeynley ayaa sheegaya in dabkii xalay qabsaday suuqaas uu baa’biyay hanti badan.

Dabka ayaa waxa uu ka dhashay koronto sida wararka qaar ay sheegayaan.

Gudoomiyaha degmada Dharkeynley C/fataax Nuur Cali oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay koronto isla markaana uu ku fiday dhul dhan 300 oo mitir oo isku wareeg ah.

Gudoomiye Cali ayaa meesha ka saaray in dabka uu geystay khasaaro nafeed balse waxa uu xaqiijiyay in hanta badan uu baa’biyay.

Halkan ka dhageyso:Gudoomiye C/fataax.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor