Sawirro:-Dabka kacay Xaafada Islii ee Magalada Nairobi dalka Kenya

Wararka naga soo gaaraya Magalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan Xaafada Islii ayaa waxa ay sheegayaan in uu dabka ka kacay Guri ku yaalla halkaas dabkaas oo baabi’iyay Guri ay deganaayeen Dad Shacab ah.

Wariyaal ku sugna Xaafada ay soomaalidu ku badan tahay ee islii ayaa waxa ay soo sheegayaan in dabka uu ka Guri ku yaalla Wadada 8aad ee Xaafada Islii gaar ahaan guri ku dhegan Hotelka Bin Cali.

Gaadiidka dab demiska iyo soomaalida halkaasi ku nool ayaa bilaabay in ay  gurmad u sameeyeen Qoyska uu hooygooda dabka ka kacay,waxna la sheegay in Guriga la ga soo saaray qaar ka mid ah Qoyska gurigaas degan,wallow la sheeegayo in weli 3 ruux ay ku xayiran yihiin.

Weli Saraakiisha ammaanka iyo Maamulka Xaafada Islii mashaacin waxa sababay dabkaas,balse waxaa weli socda dadaalada lagu doonayo in dabka lagu demiyo.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in inta badan lagu guuleystay daminta dabkaas,oo sidoo kale sababay burbur hantiyadeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media