Masaajid ku yaalla Magaalada Manchester oo Dab la qabadsiiyay iyo baaris socota

Booliska Britain ayaa sheegay inay baarayaan fal dambiyeed dab lagu qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Manchester.

Ma jirto cid wax ku noqotay dabka galinkii dambe ee habeenkii Jimcada ka kacay masaajidka Desbury, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

Maamulka masaajidka ayaa u mahad celiyay dadka dariska la ah oo dadaal xoog leh ku bixiyay daminta dabka, iyagoo adeegsanayay baaldiyaashooda.

Waxa ay intaas ku dareen inay dhowr sano soo gaarayeen hanjabaado ka imaanayay dad ku gooddinayay inay masjidkaas dab qabadsiin doonaan, haddana ay u muuqato in qaarkood ay ka dhabeeyeen hanjabaaddooda.

Howl wadeennada dab damiska ee Greater Manchester ayaa sheegay in shaqaalahooda ay labo saacadood ku sugnaayeen goobtaas, haddana booliska ay baarayaan sababta keentay dhacdadan.

Maamulka masaajidka, oo shaaciyay muuqaal ay xilliga dhacdada duubeen kaamirooyinka la socda dhaqdhaqaaqa, ayaa dadka deegaanka ka codsaday inay feejidnaadaan, iyagoo ugu baaqay inaysan aqbalin dadka dhibaatada wada ee dhexdooda ku jira.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor