Daawo:Safarkii Cabudwaaq ee Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele (Xaaf ) ayaa si diiran maanta waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Cabudwaaq uu ku tagay waxaa uu yahay Safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago Intii la doortay Degmo ka tirsan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ujeedka safarkiisu yahay nabadeen madaama maalmihii igu dambeeyay Cabudwaaq ay ka dhacayeen falal dila ah oo la xiriira aanooyin qabiil.

Ammaanka Magaalada Caabudwaaq Ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoona Ciidamada Maamulka Galmudug ay siweyn u adkeynayaan.

Inta uu ku sugan yahay Cabudwaaq ayaa la filayaa in uu kulamo Nabadeen ah uu la qaato waxgaradka degmada Cabudwaaq isagoo kala hadli doonaa sidii xal looga gaari lahaa dagaal beleedyadii dhacay.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media