Daawo: SAWIRRO: Shir ku Saabsan Tayeeynta Shaqada Wasaaradaha oo lagu qabtay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotel Jazeera lagu soo gabgabeeyey kulan ku saabsaanaa tayeenta shaqada wasaaradaha xukuumad a, si loo xoojiyo tayada ha’adaha kala duwan ee dowladda.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, iyadoo ay ka qeyb galeen wasiirada xukuumada iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha ka fa’iidaysta Mashruuca Tayeeynta Hay’adaha dowladda oo uu taageero Bankiga aduunka.

Ugu horayn waxaa sharaxaad ka bixiyey heerarka kala duwan ee uu soo maray mashruucan sku duwaha Maxmed Farax, waxaana uu yiri “Waxaa kulankaan u jeedkiisu yahay inaan la wadaagno Hay’adaha ka fa’idaysta mashruuca warbixina kasiino halka uu ka soo bilowday, hadafka laga leeyhaya iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada ka soo qayb galay. Waxyaalaha Mashruucaan qabanayo waxaa ka mid ah tayeenta shaqaalaha iyo awood dhisida hay’daha dowladda ee lafdhabarka u ah shaqoyinka maalinlaha ah, xoojinta iyo tageerida dhinacyada asaasiga u ah ka shaqeynsiitna nidaamka dowlaiga si loogu istaajiyo qaab wax qabad leh oo la wada dhan yahay, lehna isla xisaabtan qeybaha dowladda ee heer federal”

Dhamaan madaxda ka qeybgashay kulanka ayaa sheegay in loo baahanyahay in la tayeeyo shaqada hay’adaha dowladda, si looa faa’iideesto meelo badan.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  Cabdullahi Xaamud aoo warbaahinta la hadlay waxaa uu  sheegy madaama ay dhalatay xukuumad cusub ay lagama maarmaan tahay in xooga saaro shaqada iyo shaqaalaha dowladda.

Halkaan hoose ka DAAWO SAWIRRADA:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media