Daawo Sawirrada Warbaahinta Kenya oo soo bandhigtay Sawirrada qarax lagu dilay Askar Kenyan ah

Ugu yaraan 7 ka tirsan ciidamada Kenya ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawcmeen qarax xalay ciidamada Kenya lagula eegtay meel u dhow degmada Dhoobley gaar ahaan dhanka Kenya.

Gaariga qaraxa haleelay ayaa qeyb ka ahaa gawaari roondo wada waxana mar qura mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidamada Kenya haleelay qarax aad u awood badan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Somalia oo diiday magiciisa in la adeegsado ayaa sheegay inuu arkay meydadka 7 kamid ah ciidamada Kenya iyo laba askari oo kale oo si xun u dhaawacmay

Sarkaalka waxa uu sheegay in qaraxa oo ahaa mid awood badan uu baab’iyay gaarigii uu haleelay isla markaana askartii saarneyd ay isla goobta ku geeriyoodeen.

Al-Shabaab oo goobtii uu qaraxa ka dhacay iyo goobaha kale ee ku dhow dhow ku fir fircoon ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media