Daawo Sawirrada Taliyaha Xoogga oo lagu soo dhaweeyey Kismaayo

Magalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Xoogga adlka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,iayda oo intaasi ka dib loo la geeyey Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe),iyaga oo ka wada hadli doona dardar helinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale taliye Gorod ayaa waxa uu booqan doonaa Xeryaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magalada Kismaayo iyo deegaanada kale si uu ugu kuurgalo xaaladooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media