Daawo Sawirrada Munaasabad lagu Xusayo Afgembigii Turkiga oo ka socota Muqdisho

Munaasabad lagu Xasuusanayo in ka badan 217 Qof oo ku geeriyootay Afgambigii dhicisow ee 15kii July ee Sanadkii hore ka dhacay dalka turkiga ayaa hada ka socota safaarada ay turkigu kuleeyiin Magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka  qeyb galaya masuuliyiin ka tirsan dawlada federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Mudane Mahadi Maxamed Guuled iyo Xubno kamid ah Golaha Wasirada Xukuumadda Soomaaliya iyo Ciidamo ka socda Dowladda turkiga ayaa Munasabada kusugan.

Gudaha Safaaradda Darbiyada Qaar waxaa lagu Xardhay Sawiro laqaaday Habenkii uu inqilabku dhacay siloogu soo xasuusto habeenkaas.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media