Daawo Sawirrada: Madaxda Dowladda iyo Qurba-joogta oo Ka Shiray Xaalada Dalka

Shirkan oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada London ee dalka Ingriiska, waxaana looga hadlay doorka ay Qurba-joogta ka qaadan karaan dib-u dhiska iyo hormarka dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirkaasi ayaa sheegay inay qurba joogta kaalin ka qaadan karaan dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha, islamarkaana loo baahanyahay taageeradooda.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wey ka war qabtaa kaalmada qurba joogta iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinacakale madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay dhisi doonto Hey’adda Qurba-joogta Qaranka, taasi oo ugaar noqon doonto dadka Qurba-joogta.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka Arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, kaa soo ay si wadajir u shir guddoominayaan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media