Daawo Sawirrada jawiga Maanta ee Baladweyne kadib fatahaada Wabiga Shabeelle

Xaafadaha qaar ee Magaalada Baledweyne oo maalmo ka hor biyo ay aad u buux dhaafeen ayaa hadda la soo sheegayaa in biyaha qaar ay gureen.

Sawirro laga soo qaaday Magaalada Baledweyne ayaa muujinayay hoos u dhac ku yimid biyihii magaalada dhex buuxay, maadaama biyaha ay gureen.

Inkastoo badi dadka reer Baledweyne ay ka maqan yihiin Magaalada gudaheeda oo ay miciinsadeen duleedyada Magaalada Baledweyne, haddana dadka qaar ayaa jooga Magaalada gudaheeda.

Isbedelkaan ayaa ka taagan Magaalada oo rajada dadka waxa ay tahay mid wanaagsan, inkastoo ay jirto cabsi la xiriirta fatahaad cusub oo laga cabsi qabo.

Deegaano ka tirsan Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacday fatahaad culus oo saameyn ku yeelatay deegaano badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media