Daawo Sawirrada: Guddoomiyaha G/banaadir oo La Kulmay Taliyayaasha Ciidamada Xoogga, Booliska Iyo AMISOM

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose kulan gaar ah kula qaatay taliyayaasha ciidamada xoogga, booliska iyo saraakiil ka socotay AMISOM.

Guddoomiye Taabid ayaa saraakiisha ciidamadaasi kala hadlay arrimaha amaanka ee magaalada Muqdisho, iyo sidii loo xaqiijin lahaa amniga gobolka Banaadir, oo la faray maamulka gobolku inuu ka shaqeeyo qorshaha xasilinta amniga Muqdisho.

.