(DAAWO SAWIRO): Ilmo agoon ah oo Sacuudiga laga soo tarxiili lahaa oo Kanada ka helay Magangelyo.

Qoys ka kooban 11 carruur oo khatar ugu jiray in ay Dowladda Sacuudiga u soo tarxiilaan Somalia ayaa magangelyo Qaxootinimo ka helay dalka Kanada.

Qoyskaasi oo dhamaantooda ku soo koray Sacuudiga ayaa waxaa uu aabahooda ka mid ahaa Shaqaalaha Qunsulliyadda soomaalida ee magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, kaasi oo Allaha U Naxariistee  u geeriyooday cuddurka Macaanka (Diabetes).

Sidoo kale, Allaha U Naxariistee Hooyadooda ayaa  iyadana u geeriyootay cuddurka Kansarka.

Qoyskaaasi markii uu geeriyooday Aabahooda waxay waayeen Sharciga ay ku sii joogi lahaayeen dalka Sacuudiga, waxaana lagu cabsi-geliyey in loo soo tarxiili doono dalka Somalia oo aysan carruurtaasi agoonta ah weligooda arkin.

Ilmahaasi agoonta oo ay da’doodu u dhexeyso  labo jir ilaa 16-jir ayaa habeen hore gaaray magaalladda Winnipeg ee caasimadda u ah Gobalka Manitoba ee dalka Kanada.

Fathi Ismail,Walaalkooda oo lagu magacaabo Fatxi Ismaaciil oo isaga Kanada tegay muddo haatan laga joogo Hal Sanno ayaa galaangal dheer u galay sidii Walaalihiisa aan loo tarxiili lahaayeen, waxayna Dowladda Kanada ka oggolaatay inay Walaalihiisa siiyaan Magangelyo si ay isaga ugula noolaadaan Kanada.

“Ilaah ayaa mahad leh, Waan faraxsanahay. Waxaan halkan ka dareemaynaa Nabad” ayey titi Ayaan Ismaaciil oo 15-jir, oo Weriyayaasha kula hadashay Afka Carabiga, markii ay tageen Kanada.

Muna Ismaaciil oo 16-jir ah ayaa sheegtay haddii aad Ajnabi tahay inaadan awoodi karin inaad Sacuudiga wax ku barato ama aad Dhakhtar aado.

Waxayna intaasi ku dartay inuu hadafkeeda koowaad yahay sidii ay Kanada ugu dhamaysan lahaayeen Waxbarashadooda.

Si kastaba ha ahaatee, Safaaradda Somalia ku leedahay Sacuudiga iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia ayaa la sheegay inaysan waxba kala soconin dhibaatadii haysatay Carruurtan oo uu dhalay Hawlwadeen ka tirsanaa Qunsulliyadda Somalia ku leedahay magaalladda Jeddah, kaasi oo geeriyooday.

 

CANADA2

CANADA orphans Fathi Ismail,

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor