(Daawo Sawiraddii u dambeeyey): Dhimashadda Qaraxyaddii Brussels oo gaartay 28-qof

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Brussels, iyadoo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 11-qof.

Goobjooge ayaa sheegay inuu maqlay nin ku qeylinayey Luqadda Carabiga wax yar ka hor,  intaysan labada qarax ka dhacin Garoonka.

Idaacadda VRT ayaa sheegtay in qarax kale uu ka dhacay Saldhigga laga raaco Tareenadda dhulka hoostooda mara (Maelbeek Metro station) ee bartamaha Brussels, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay ugu yaraan 13 qof, iyadoo 55 kalena ku dhaawacmeen..

Saldhigga Tareenka ee uu qaraxu ka dhacay waxa uu aad ugu dhow Dhismaha ay deggan yihiin Hay’addaha Ururka Midowga Europe ee EU.

Si kastaba ha ahaatee, tiradda guud ee dadka ku geeriyooday qaraxyadaasi waxay xilligan maraysaa 28 qof, waxaana suurtogal inay ka sii korodho.

Lugo iyo cadad kale oo go’go’ay oo ka mid ah hilbaha dadkii ku geeriyooday Qarixii Garoonka Brussels ayaa la sheegay inay weli dhex daadsan yihiin gudaha Garoonka.

Dhinaca kale, Dowladaha Sweden, Finland iyo Denmark waxay sheegeen inay adkeeyeen Ammaanka Garoomadda Diyaaradaha, kana feejigan yihiin khatar la mid ah kuwii ka dhacay Brussels.

A security perimeter has been set, on March 22, 2016 near Maalbeek metro station in Brussels, after a blast at this station near the EU institutions caused deaths and injuries.  AFP PHOTO / EMMANUEL DUNAND / AFP / EMMANUEL DUNAND        (Photo credit should read EMMANUEL DUNAND/AFP/Getty Images)

qaraxyadda cusub009

QARAXYO 000 MSTATION8 MSTATION2 Zaventem airport.5 Zaventem airport.3 Zaventem airport.01

Zaventem airport.6 Zaventem airport Zaventem airport11 Zaventem airport12

QARAXYO5555

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor