(DAAWO SAWIRADDA DHACDADAAS):Saddex qof oo lagu dilay is-rasaasayn ka dhacday Waqooyiga magaalladda Paris.

Boliska ayaa la sheegay inay Oogtii hore ee saakayto ku kallaheen dhismo ay ku jireen dad lala xiriirinayo kooxihii geystay weerarkii lagu riiqmay ee Jimcihii ka dhacay magaalladda Paris.

Boliska ayaa la sheegay inay toogteen labo qof, halka qof dumar ahaydna is-qarxisay, iyadoo Eedeysanayaal kalena baxsadeen, ka hor inta aan la soo  weerarin.

Saddex Sarkaal oo ka tirsan Boliska ayaa lagu dhaawacay Hawlgalkaasi.

Ilaa hadda lama shaacinin haybta dadka la dilay, inkasta o oay Warbaahinta Faransiiska sheegeen in Hawlgalkaasi  looga dan lahaa sidii loo soo qaban lahaa  Muwaadin u dhashay dalka Beljim oo lagu magacaabo C/xamiid Cabuud, kaasi oo lagu tilmaamay  maskaxdii ka dambeysay  Weerarkii Paris oo lagu dilay ugu yaraan 129 qof.

Boliska waxay kaloo baadi-goobayaan Eedeysane kale oo lagu magacaabo Saalax C/salaam.

Ciiddan aad u hubeysan ayaa lagu soo xoojiyey Ciiddanka, iyadoo ay Diyaaradaha Helikoptarka dul heeheebayaan Deegaanka la weeraray oo lagu magacaabo Saynt Denis oo ay ku badan yihiin Dadka Qaxootiga.

© Radio Dalsan

PARIS 1 PARIS 2 PARIS 2 PARIS 0000FFFFFFFF6
FFFFFFFFF5FFFFFFFFFFFFFFFFFFFF13FFFFFFFFFF222222FFFFFFFFFFFF14FFFFFFFFFFFF14FFFFFFFFFFFFF00000000000FFFFFFFFFFFFF9FFFFFFFFFFFFFF11FFFFFFFFFFFFFF12FFFFFFFFFFFFFFFF15FFFFFFFFFFFFFFFFF16FFFFFFFFFFFFFFFFFFF10
FFFFFFFFFFFFFFFFFFFF4444444FFFFFFFFFFFFFFFFFFFFF3333333333333333FFFFFFFFFF222222

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor